- January 24, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Kulamada, Pakistan, Wararka
No Comments

Pakistan 24 Jan 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo socdaal shaqo maalmahaan kujooga Islamabad ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Badda kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan Admiral Naveed Ashraf.
Labada dhinac ayaa ka hadlay; xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan gaar ahaan dhinacyada amniga badaha, dhisidda awoodaha, xirfadaha iyo karaanka howlwadeennada badda, kor u qaadidda awoodaha badda iyo guud ahaan iskaashiga hey’adaha.

