Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Madaxweynaha Pakistan

Pakistan 24 Jan 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan  Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku jooga magaalada Islamabad ayaa kulan heer sare oo mirodhal ah la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Asif Ali Zardari.
Wadahadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta taageerada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Dowladda Pakistan ay siiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo weliba iskaashiga dhinacyada amniga gaar ahaan ololaha joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallamayso kooxaha argagixisada.
Dhankiisa, Madaxweynaha Pakistan Mudane Asif Ali Zardari ayaa mar kale adkeeyay mowqifka mabda’a ah ee dalkiisu ka taagan yahay taageerada iyo ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya isaga oo muujiyay diyaargarowga Pakistan ee sii xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan horumarinta nabadda, xasilloonida iyo dadaallada dhismaha dowladnimada.