- January 22, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Kulamada, Pakistan, Wararka
No Comments

Pakistan 22 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Ladagaallanka Maandooriyaha ee Pakistan.
Wasiir Cali Xoosh oo uu wehliyey General Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhanka Pakistan kala hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga gudaha, fulinta sharciga ladagaallanka mukhaadaraadka iyadoo si gaar ah loo adkeeyay is-weydaarsiga xogta, khibradda iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal.
















