- January 12, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 12 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa kulan fogaan arag ah la qaatay unugga hey’adda IMO u qaabilsan Xasillinta Bulshooyinka.
Arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah; Wadashaqeynta labada dhinac iyo taageeridda hirgelinta barnaamijyo Xasillinta ee hortabinta leh gaar ahaan gaarsiinta gargaarka xilliyada hore ee deegaannada dhowaan laga xoreeyey Argigixisada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cabdul ayaa adkeeyey muhiimadda xoojinta xiriirka labada hey’adood, sare u qaadista wadashaqeynta & dardargelinta daadejinta iyo dedejinta adeegyada la xiriira arrimaha ay ka wadashaqeeyaan.








