Agaasime Cabdul Oo Guddoomiyay Kulanka La Xiriira NRF

Muqdisho 12 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayey waaxda Dib u heshiisiinta Wasaaradda usoo bandhigtay Istaraatiijiyadda hirgelinta Hannaanka Dib u heshiisiinta ee ku lifaaqan hindisaha wadajirka qaran( NTP), warbixinta guulaha laga gaaray iyo qorshaha 2026-ka

Agaasime Cabdul ayaa waaxda ku bogaadiyey howlaha la qabtay isaga oo hoosta ka xariiqay Dedejinta hirgelinta qorshaha sanadkaan iyo hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran ee kulmiya ka-qaybgalka bulshada ee nabad-dhiska, dib u dhiska kalsoonida u dhexeysa bulshooyinka iyo horumarinta dedaallada lagu helayo nabad iyo xalwaara oo dalka oo dhan ah.