Cali Xoosh Oo Loo Soo Bandhigay Qorshe Howleedka Iyo Ballanqaadka Wasaaradda Ee 2026-ka

Muqdisho 11 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh)  ayaa bandhig loogu sameeyey qorshe howleedka iyo ballanqaadka Wasaaradda ee 2026-ka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Abdulkadir Ali oo warbixinta la wadaagay Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in qorshahan uu kajawaabayo hortabinnada kala duwan ee Wasaaradda & qorshaha isbadalka qaran ee gaarista yoolal cacad, oo la cabiri karo, ugu dambeynna la xaqiijin karo 2026-ka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa bogaadiyey shaqada laga qabtay qorshaha Wasaaradda ee 2026-ka, isaga oo adkeeyey in durba la bilaabo hirgelintiisa, ayna jirto iskuwid, korjoogteyn iyo isla xisaabtan joogta ah si loo gaaro guulo wax ku ool ah dhammaadka sanadka.