- January 11, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 11 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya Mrs. Jong Song iyada oo laga wada hadlay xoojinta iskaashiga ku saabsan Dal-laaweyaasha, Barakaca iyo xalalkawaara
.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Xaaladda iyo dhibaatooyinka heysta barakacayaasha, qaxootiga, horumarinta xalal waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagu la tacaalayo Dal-laawe oo ay ku jiraan helitaanka aqoonsi sharciyeed, ilaalin, iyo ka mid noqoshada bulshada.
Labada dhinacba waxay mar kale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay iskaashi dhow oo lagu taageerayo mudnaanta qaran ee Soomaaliya, looguna hagaajinayo ilaalinta iyo natiijooyin waara oo loo helo bulshooyinka barakacay iyo kuwa nugul ee dalka oo dhan.











