Agaasimaha Guud oo kulamo kala duwan laqaatey Waaxyaha Wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo siiwada kulamada kala duwan ee Waaxyaha Wasaaradda ayaa warbixin ka dhageystay waaxyaha kala ah; Waaxda Shuruucda, Siyaasadaha & Xeerarka, Waaxda diiwaangelinta Hay’adaha Aan Dowliga aheyn (NGOs) iyo Waaxda Federaalka & Xiriirka Dowlad Goboleedyada.
Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud Mudane Cabdul ayaa waaxyaha kula dardaarmay in la dardargeliyo hannaanka shaqo, lana xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa waaxyaha Wasaaradda, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ku dhaqanka shuruucda iyo siyaasadaha dalka, hufnaanta diiwaangelinta Hay’adaha Aan Dowliga ahayn, iyo joogteynta xiriirka iyo isku-duwidda Dowlad Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Waxa uu sidoo kale faray masuuliyiinta waaxyaha in ay soo bandhigaan caqabadaha jira iyo talooyin wax ku ool ah si kor loogu qaado tayada adeegyada Wasaaradda iyo hirgelinta waajibaadkeeda qaran.