Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda

Muqdisho 05 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali ( Xoosh) ayaa kulankiisii ugu horreeyay la qaatay Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Kulanka oo diiradda lagu saaray guud ahaan howlaha maamul iyo shaqo ee Wasaaradda, jiheynta istaraatiijiga ah iyo qorshayaasha mustaqbalka, gaar ahaan mudnaanta Wasaaradda ee sanadka 2026 ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ku adkeeyey Agaasimaha Guud mudane Cabdul xoojinta howlaha hortabinta leh sida; dadaallada dib-u-heshiisiinta, horumarinta arrimaha federaalka, taageeridda hawlaha xasillinta, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha Wasaaradda.