- January 3, 2026
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 03 Jan 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali oo durba bilaabay kulamada dardargelinta iyo isla xisaabtanka shaqada Wasaaradda ee sanadka cusub ayaa warbixin ka dhageystay Waaxda Tiknoolajiyadda (ICT) ee Wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista nidaamyada dhijitaalka ah, hab-hawleedka bixinta adeegyada danabeysan iyo meelaha mudnaanta leh ee kor loogu qaadayo hufnaanta iyo wax-qabadka ee Wasaaradda. Agaasimaha Guud mudane Cabdul ayaa adkeeyay doorka muhiimka ah ee tiknoolajiyadda dhijitaalka ah ku leedahay horumarinta maamulka, dowlad-wanaagga, iyo isla-xisaabtanka.







