- December 31, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 31 Dec 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa xilka kala wareegay Mudane Cayduruus Macallin Xasan.
Agaaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay, isagoo kula dardaarmay shaqaalaha in ay la shaqeeyaan Agaasimaha Cusub.
Agaasimaha xilka la wareegay Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa u mahadceliyay agaasimaha xilka kula wareejiyay isagoo ku bogaadiyay waxbaqadkiisa mudada uu xilka haayay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa si rasmi ah ugu kala wareejiyay xilka labada Masuul.













































