- December 25, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 25 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa soo kormeeray, isaga oo u mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay sugidda nabadgelyada doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.
Mudane Wasiir Cali Xoosh ayaa ammaanay dedaalka, howlkarnimada iyo dhaqan wanaagga booliiska Soomaaliyeed taasi oo suurogelisay qabsoomidda doorasho nabad iyo kala dambeyn leh isla markaana uu codbixiyaha iyo musharaxiintaba dareemayaan amni iyo bedqab.
“Maalintan taariikhiga ma qabsoonteen la’aantiin, waxaan mahadcelin iyo bogaadin la wadagayaa Taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo Dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay sugidda Amniga Doorashooyinka ka dhacay Gobolka Banaadir oo si nabad ah ku qabsoomay.’’Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh.










