Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Seejooyinka Codbixinta

Muqdisho 25 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeeray Xarumaha ay ka socota Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir.

Wasiir Cali Xoosh ayaa ku bogaadiyay Shacabka Gobolka sida dimoqoraadiga ah ee ay codkooda u dhiibanayaan islamarkaana u muujiyeen in ay masiirkooda ku go’aamiyaan codbixinta si looga gudbo doorashooyinka dadban ee dalka laga soo qabtay, loona helo isla xisaabtan iyo horumar.