- December 17, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 17 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir kuxigeenka Wasaarada mudane Cabdihakim Ashkir ayaa booqday xarunta Guddiga Doorahooyinka Qaranka iyo Xuduudaha si uu usoo indho-indheeyo heerka diyaargarowga doorashada tooska ah.
Guddoomiyaha Guddiga Doorahooyinka Qaranka iyo Xuduudaha Cabdikariim Axmed Xasan ayaa Wasiirada uga warbixiyey heerka diyaargarowga doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka gobolka Banaadir, waxaa kale oo ay soo kormeereen qalabka codeynta iyo shaqaalaha kala duwan loo tababaray in ay maamulka iyo fulinta howsha codeynta goobaha loo asteeyey codeynta.













