Munaasabadda Daahfurka Mashruuca Sinnaan

Muqdisho 15 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray caasimadda Muqdisho Barnaamijka SINNAAN.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda Furitaan Mashruuca SINNAAN ayaa xaqiiyey sida Wasaaradda iyo guud ahaan dowladda uga go’an tahay horumarinta magaalooyinka iyo helidda xulal waara

Wasiir Cali ayaa tibaaxay muhiimadda mashruuca SINNAAAN, isagoo yiri” Mashruuca SINNAAN ayaa ujeedadiiso waxay tahay horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, xoojinta adkaysiga isbeddelka cimilada iyo taageerida adeeg bixinta Magaalooyinka Soomaaliyeed. Mashruuca wuxuu sidoo kale abuurayaa fursado horumarineed oo cagaaran kuwaas oo gacan ka geysan doona yareynta saboolnimada iyo xasillinta dalka.”

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta wuxuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey “Magaalooyinkeennu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, waxaana kordhaya dadka usoo guuraya iyagoo raadinaya fursado shaqo, waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.

Waxaa sidoo kale jira tiro badan oo barakacayaal ah oo ku nool magaalooyinka kuwaas oo aan helin hoy iyo furdsado ay ku maareeyaan noloshoodo. Caqabadahaas oo jira, hadana Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose oo iskaashanaya waxay ku hawlan yihiin horumarinta magaalooyinka iyo balaarinta bixinta adeegyada aasaasiga ah. Mashruuca Sinnaan waxa uu doorweyn ka qaadan doonaa horumarinta magaalooyinka iyo nolosha muwaadiniinta”.