Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Masuuliyiin Ka Socda IOM

Muqdisho 16 Dec 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay madaxa hey’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyada oo laga wada hadlay howlaha Dad-dhigista, oo ay qeyb ka yihiin adkeynta diiwangelinta xaaladaha madaniga ah oo baahsan, mid ah iyo guud ahaan hortabinnada kale ee Wasaaradda 2026-ka.