Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Guddiyada Maaliyadda Labada Gole BFS

Muqdisho 11 Dec 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa hortagtay Guddiyada Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si faahfaahsan xubnaha guddiga uga warceliyey dhammaan weydiimahooda.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) iyo Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan oo si wadajir ah u Guddoomiyay Kulanka ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh iyo Howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.