- December 10, 2025
- Posted by: Eng: Abdiladif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 10 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xogheyaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane George Conway.
Ajendeyaasha laga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; Xiriirka wadashaqeyn ee labada dhinac, howlgalka UN-ka ee Soomaaliya ee xilliga kalaguurka, dedaallada Xasillinta, xaaladda Banii’aadnimo ee dalka gaar ahaan xal u helidda Barakacayaasha iyo arrimo kale.








