Wasiir Cali Xoosh Oo La Dardaarmay Muwaadiniin Dalka Dib Ugu Soo Noqday

Muqdisho 09 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan soodhoweyn ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u fududeysay in dalkooda ay dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi ayaa warbixin ku aaddan howsha soo gurya noqoshada muwaadiniintaasi siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh.

Muwaadiniinta oo laga keenay dalka Yeman ayaa ka koobnaa in ka badan 80 qoys, iyadoo ay diiwaangalin iyo soo dhaweyn u samaysay Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.