Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Kulanka Dhameystirka Qabya-Qoraalka Xeerka Dhismaha Ururka Dowladda Hoose

Muqdisho 07 Dec 2025; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa guddoomiyey “KULANKA DHAMEYSTIRKA QABYA-QORAALKA XEERKA DHISMAHA URURKA DOWLADAHA HOOSE EE SOOMAALIYA (SoLGA)”

Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee dowlwd goboleedyada,, kooxda farsamada, Duqa Cadaado, Guddoomiye-ku-xigeennada Kismaayo iyo Jowhar, iyo wakiillo ka socday Gobolka Banaadir.

Shirku wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhameystirayo qaab-dhismeedka SoLGA si uu u noqdo urur mideeya dowladaha hoose ee dalka.