Hindisaha Wadajirka Qaran Ee Qorshaha Isbeddalka Soomaaliya

Muqdisho 06 Dec 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta (MoIFAR) ayaa maanta furtay Kulanka Soo Bandhigista Warbixinta Sanadkeedka Hindisaha Wadajirka Qaran ee Qorshaha Isbeddalka Soomaaliya 2025–2026.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallim Xasan, oo adkeeyay muhiimadda Hindisaha Wadajirka Qaranka ee xoojinta dowladnimada, horumarinta adeegyada, iyo wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxa lagu soo bandhigay:
• Guulaha iyo waxqabadka sanadkii hore
• Mudnaanta 2025–2026 ee isbeddelka qaranka
• Doorka hay’adaha dowladda ee hirgelinta hindisaha
• Xoojinta isla-xisaabtanka iyo hufnaanta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxa ay sii wadaysaa hoggaaminta iyo isku-dubaridka dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada iyo adeeg bixinta dalka.