Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Danjiraha Cusub Ee Norway🇳🇴

Muqdisho 04 Dec 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay Denjiraha cusub ee Norway ee Soomaaliya Ambassador Siv Cathrine Moe.

Arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; Adkeynta kawadashaqeynta labada dhinac ee hortabinnada Wasaaradda sida; Dib U heshiisiinta. Xasillinta iyo Dowladaha Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa soo dhaweeyey Safiiradda cusub isaga oo bogaadiyey kaalinta Norway ee nabad iyo guud ahaan dowlad-dhiska Soomaaliya.