Meel-marinta Aqalka Sare Ee Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista

Muqdisho 24 Nov 2025; Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, Kalfadhigiisa 7aad, kulankiisa 9aad ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga kaasi uu guddoomiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),

Kulanka oo uu ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Sadad Alio, iyo Diiwaanhayaha Guud ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye.

Ugu dambeyn, kadib ansixinta Sharciga Wasiiru-dowluhu ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare meelmarinta sharcigan muhiimka ah, oo ah tallaabo horumarineed oo lagu xoojinayo nidaamka dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ee dalka.