Kulanka Koox Howleedka Dad-dhigidda

Muqdisho 23 Nov 2025; Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Sadad Alio, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka saddex-bille ah ee Koox-howleedka Qaran ee Adeegyada Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha heer Federaal iyo Dowlad-goboleed ee qeybta ka ah horumarinta adeegyada dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga.

Khudbaddii furitaanka, Wasiiru-dowluhu wuxuu adkeeyay muhiimadda dhismaha nidaam dad-dhigis oo mideysan, casri ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo, isaga oo tilmaamay in nidaamkan uu saldhig u yahay sidii bulshada loogu gaarsiin lahaa adeegyo dowladeed oo hufan oo isku-xiran. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay dhammaan hay’adaha kasoo qeyb galay sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta, isku-duwidda, iyo horumarinta nidaamka dad-dhigista dalka.

Ugu dambeyn, Intii kulanku socday waxaa lagu falanqeeyay horumarkii la sameeyay, go’aamadii kulamadii hore, caqabadaha jira, iyo warbixinnada nidaamka dhijitaalka ah. Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay qorshaha howlaha soo socda, iyadoo kulanku xooga saaray xoojinta wada-shaqeynta, xog-wadaagga, iyo isku-duwidda hawlaha si loo dardargeliyo hirgelinta wajigaad 2aad ee balaarinta adeegyada dad-dhigista guud ahaan dalka.