Dhireynta Xarunta Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

Muqdisho 23 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ku horkacay hoggaanka iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaarada dhireynta xaruntii dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere.

Talaabada dhireynta ayaa qeyb ah aragtida hoggaanka Wasaaradda ee qurxinta iyo xoojinta bilicda dhismaha cusub ee Wasaaradda oo dhowaan loo guuri doono, laguna shaqeyn doono 35 sano kadib.

Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh ayaa ku biiray Wasiiru dowlaha mudane Saadaad Caliyow, Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Xasan, Agaasimeyaasha waaxaha, Madax-qebeedyada iyo dhammaan howlwadeennada beeridda geedaha iyo waraabintooda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh oo ka hadlay munaasabadda dhir-beerista Wasaaradda ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay kushaqeynta deegaan cagaaran, nadiif ah, qurxan oo caafimaad qaba, isaga oo intaa raaciyey in tallaabadani ay tahay mid qofka shaqaalaha ah ku qabanayo waxtar u haraya jiilasha soo socda.