- November 17, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 17 Nov 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu falanqaynayay dib-u-eegista istaraatijiyadeed ee Qorshaha Sanadlaha ee NRF ee 2025 iyo qorshe howleedka Hannaanka ee mudnaanta leh 2026-ka
Kulanka oo 5 maalin socon doona ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan, waxaa uuna kelmaddiisa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-eegis hufan, wada-shaqeyn joogto ah, iyo horumarinta habka qorsheynta, si NRF uu u gaaro natiijooyin muuqda oo la taaban karo.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka, wasaaradaha Federaalka Iyo Dowlad goboleedka, iyo Bulshada Rayidka ka qeybgalay kulanka, isagoo xusay in dib-u-eegistu ay qayb ka tahay habka casriyeynta maamulka iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xaqiijinaayo in Qorshaha Sanadlaha ee NRF uu noqdo mid waxtar leh, hufan, oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.


















