Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Masuuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka

Muqdisho 16 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la kulmay mas’uuliyiinta SoDMA oo ugu horeeyo Guddoomiyaha hey’adda mudane Maxamuud Macallin.

Kulankan ayaa looga hadlay heerka xaaladda Banii’aadnimada dalka iyada oo mas’uuliyiinta SoDMA ay soo bandhigeen warbixinno la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta, biyo iyo baad yarida iyo xalalka ugu haboon.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh ayaa Bogaadiyey shaqada SoDMA, isaga oo xaqiijiyey sida Wasaaradda iyo dowladdu uga go’antahay garab istaagga dadka nugul iyo dadaalo sidii xalwaara loogu heli lahaa abaaraha.