- November 13, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 16 Nov 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan Howleedka Arrimaha Xasilinta iyo Soo Kabashada ee Wasaaradaha Iyo Hay’adaha labada heer ee Dowladda Federaalka ah.
Kulanka oo ay wada Guddoomiyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Caydaruus Macallim Xasan, iyo Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Xasilinta Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa looga arrinsaday dedaallada wadajirka ee dhanka soo kabashada iyo arrimaha Xasilinta, iyada oo ay Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dowladda soo bandhigeen waxqabadkoodu aaddan gargaarka la gaarsiiyo xilliyada hore goobaha laga xoreeyey Khawaarijta, barnaamijyada Xasillinta, caqabadaha jira iyo xalalka waara.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa khudbaddiisa ku sheegay ahmiyadda in la iska kaashado howlaha Xasllinta isaga oo adkeeyey sida Wasaaradda uga go’antahay hoggaaminta iyo hirgelinta hannaan Xasillin oo dadka wada gaara, loona dhanyahay.



















