Wasiir Cali Xoosh Oo Furay Xarunta NIRA Ee Dagmada Wadajir

 

Muqdisho 10 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-(Xoosh) ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta Hay’adda Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta Qaranka ee Degmada Wadajir oo shaqayn doonta Habeen iyo Maalin.

Mudane wasiir Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda Xarig jarka ayaa tibaaxay in tallabaadani ay qayb ka tahay hirgalinta iyo baahinta adeegga dadweynaha ay bixiso Dowladda Soomaaliya isaga oo sidoo kale bogadiyay shacabka Soomaaliyeed ee safafka dhaadheer usoo galay si ay u qaataan Aqoonsiga Qaranka, isagoo faray howlwadeennada NIRA in si hufan loogu adeego.

Ugu Dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Hoggaanka Iyo Howlwadeennada Hay’adda Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta Qaranka dardargalintooda ku aaddan baahinta adeegyada Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta.