Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Hoggaanka Dhaqanka Beelo Ku Diriray Wanlaweyn

Muqdisho 12 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo gaar ah la qaatay Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta beelaha Gaaljecel iyo 5-ta Caleemood.

Kulankan oo sodoo kale ay qeyb ka ahaayeen Wasiiru dowlaha mudane Saadaad Caliyow iyo Agaasimaha Guud mudane Caydaruus Macallim Xasan ayaa looga hadlay xaaladda deegaannada ay colaadda ka socoto, dedaallada Dib u heshiisiinta ee socda iyo sidii loo xalin lahaa arrimaha iskudhacyada keenaya isla markaana looga gaari lahaa xalwaara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khasaaradaha ka dhashay colaadda isaga oo sooqaatay qiimaha ay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed siiyeen ilaalinta iyo in la dhowro nafta iyo hantida, lana dhiirigeliyo nabadda, walaaltinnimada iyo wada noolaashiyaha.

Mudane Wasiir Cali Xoosh ayaa hadalkiisa kusoo gobogabeeyey in cid kasta oo odeyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ugu horeeyaan ay mas’uuliyad ka saarantahay koryeelidda qiimaha wada hadalka, nabadeynta, is cafinta iyo kalsooni-dhisidda bulshooyinka walaalaha ah ee ay colaaddu dhexmartay isaga oo raaciyey in Wasaaradda ay kaalinteeda ka qaadan doonto.