wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Kulanka Bandhigga Naqshadaha Guryeynya Casriga Ah

Muqdisho 11 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Muqdisho uga qaybgalay Kulanka Soo bandhigidda Naqshadaha Guryeynta Casriga ah ee Barakacaaysha oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Howlaha Guud XFS.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyay naqshadaha lasoo bandhigay isagoo yiri “Naqshadaha maanta la soo bandhigayo ma ahan kaliya naqshad dhismeed, balse waa dib-u-soo-celinta karaamada iyo abuuridda waddo waarta oo ka bixisa barakacayaasha xaladooda barakaca, Waxay muujiyeen sida hal abuurka Soomaaliyeed, oo ku saleysan diinta Islaamka iyo xaqiiqooyinka deegaanka, uu u abuuri karo xalal gudaha dalka.”

“Waxaan ugu mahadcelinayaa Dowlada Switzerland, Netherlands iyo Norway oo mashruucan muhiimka ah maalgeliyay, iyo dhammaan hay’adaha fulinaaya oo ugu horeeyso IOM, iyo Wasaaradaha iyo Hay’adah dowladda heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed oo si wanaagsan ugu shaqaynaya sidii dadka Soomaaliyeed u heli lahaayeen fursado nololeed oo wanaagsan, gaar ahaan kuwa ku nool xaaladaha barakaca”. ayuu kelmaddiisa kusoo gabogabeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh).