- November 4, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 04 Nov 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa goobjoog ka ahaa bandhigga Guddiga Madaxabbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee Warbixinta Qiimeynta Madaxbannaan ee farsamada nidaamka diiwaangelinta codbixyeyaasha iyo nidaamka xaqiijinta codeynta.
Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey warbixinta qiimeynta iyo guud ahaan hannaanka diiwaangelinta Codbixiyyaasha, isaga oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda horumarka la gaaray iyo xaqiijinta nidaamkan soocelinaya xuquuqda muwaadinta uu si toos ah u dooranyo dadkii matali lahaa taasi oo ah kalsooni-dhiska jidka dimoqoraadiyadda.







