Aqalka Sare Oo Meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Muqdisho 03Nov2025; Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta 3-aad marsiiyey isla markaana meelmariyey Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha kaasi oo ay Golaha horkeentay Wasaaradda arrimaha Gudaha XFS

.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo fadhiga ka qeybgalay ayaa Senators-ka uga mahadceliyey sida ay waajibkooda uga guteen sharciga isaga oo intaa raaciyey in xeerka uu wax badan ka tari doona xaaladda Barakacayaasha Gudaha oo heli doona xuquuq badan.