Kulanka Guddiga Xiriirka Xasilinta

Muqdisho 30 Oct 2025; Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa martigelisay kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sharaxay ajendaha kulanka iyo kusoo beegmiddiisa xilli Ciidamada Xoogga dalka ay Khawaarijta ka xoreeyeen deegaanno badan oo dalka ah, loona baahanyahay gudbinta farriimo dhiirigelinaya waxqabadka muuqda, kahortagaya Dacaayadaha Argigixisada isla markaana xoojinaya sharciyadda dowladnimada.

Inta uu kulanku socday Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa soo bandhigtay muuqaal ka warbxinaya xorreynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degmada Awdheegle iyo booqashada madaxda Wasaaradda iyo hoggaanka ciidamada xoogga dalka iyo sida dadka deegaanka looga korqaaday culeyska Khawaarijta iyo isbadallada nolosha dadka.

Dhankooda Hoggaanka iskuxirka Shacabka iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed ee CIMIC oo dadkii ugu horeeyey ee taga goobaha cadowga laga xoreeyey ayaa guddiga usoo gudbiyey baahiyada ay kusoo arkeen Awdheegle iyo deegaanna kale ee la xoreeyey, iyada oo Argigixisada ay duugeen ceelasha Biyaha, gubeen Iskuullada iyo goobaha caafimaadka isla markaana ay dadka deegaanka isugu dareen dil, dhac, kufsi, baad iyo barakicin qasab ah.

Waxaa kale oo Warabixinnada muhiimka ee shirka lagusoo bandhigay ka mid ahaa Gargaarka ay Hey’adda Maareynta Musiibooyonka ee SoDMA gaarsiisay deegaannada Awdheegle, Bariire, Sabiib iyo Caanoole iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ugu farxeen gacanta dowladda.

Lataliyaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Idil Cabdi Sabrie ayaa ka hadashay maalgelinta la’aanta soo wajahday howlaha Xasillinta iyo hortabinnada ay tahay lasiiyo deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta iyada oo soojeedisay sidii loo helo lahaa ilo dhaqaale oo buuxiyo marnaanta jirta iyo iskutashi.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee SoDMA Cabdirashiid Maxamuud Xasan oo kusoo biiray shirka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo intaa raaciyey in guddiga looga fadhiyo in ay farriimahooda ku muujiyaan arxandarida, lugooyada iyo diin la’aanta Khawaarijta, lana adkeeyo farriimaha dhiirigelinaya difaaca dalka, dadka iyo diinta, waxaa uuna xubaha guddiga kula dardaarmay xoojinta isla xisaabtanka dhanka dedaallada Xasillinta.