- October 16, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Toyota, Wararka

Japan 16 Oct 2025; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Toyota ee dalka Japan uga qaybgalay Shirweynaha Caalamiga aha Maayarrada (International Mayors Forum) oo ay ka soo qaybgaleen 39 waddan iyo 68 magaalo. Shirka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa ka hadlay Wasiirro iyo mayaarrada ka qaybgalayey shirka waxaana lagu soo bandhigay doodo iyo falanqayn ballaaran oo lagaga hadlay guulaha la gaaray iyo caqabadaha haysta dowladaha hoose iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.
Wasiir Ashkir oo ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday xaaladda dalka iyo horumarrada la gaaray “Soomaaliya waa dal soo maray caqabado badan oo ay ka mid yihiin colaado, abaaro soo noqnoqda, fatahaado, iyo dhibaatooyin kale oo la xiriira cimilada inkasta oo ay jireen dhibaatooyinkaas hadana Soomaaliya waxa ay samaynay horumar la taaban karo, waxa ay Soomaaliya si xooggan uga shaqaysay dhismaha nidaamyo maamul oo loo dhan yahay iyo hay’ado dawli ah oo adag, kuwaas oo muhiim u ah nabadda, xasiloonida, iyo horumarka. “Waxaan rumeysanahay in awood-siinta dawladaha hoose ay bulshada awood u siinayso in ay u diyaar garoobaan ka hortagga khataraha soo wajihi kara xilliyada dhibaatooyinka isla markaana waxa ay u horseedaysaa horumar dhanka adeegga bulshada ah”.
Mudane Ashkir ayaa ammaanay mashaariicda uu caalamku ka taageero Soomaaliya ee sida tooska u taageera dowladaha hoose iyo degmooyinka dalka sida Mashruuca (JLPG- Dowlad Kaab) iyo Mashruuca dhaawaan uu bangiga Aduunku hawlgaliyey ee “Bulsho”.
Shirkan ayaa ah midkii 7aad tan iyo markii la yagleelay madashaan 2017 oo ay iskugu yimaadaan dalalka iyo magaalooyinka adduunku si looga wada xaajoodo arrimaha dowladaha hoose iyo magaalooyinka ayaa waxaa sidoo kale Soomaaliya qeyb uga ahaa Guddoomiyaha iyo Duqa magaalada Cadaado mudane Faarax Diiriye Warsame.








