Wasiir Cali Xoosh Oo Aqalka Sare Geeyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

 

Muqdisho 04 Oct 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee JFS horgeeyey Akhrinta koowaad ee hindise- Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha Gudaha ee J.F.S.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa dulmar ugu sameeyey xildhibaannada Golaha Ujeedooyinka iyo qodobbada Hindise Sharciyeedka isaga oo sheegay in Sharcigan uu ka mid yahay talaabooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay ku wajahayaan arrimaha barakaca, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay ka jiraan barakacayaal gudaha ah.

Mudane wasiir Cali Xoosh mar uu ka hadlayey Ujeeddooyinka sharciga wuxuu yiri”

1. In la xaqiijiyo ilaalinta sharafta iyo karaamada aadanaha ee barakacayaashagudaha, sida ku xusan Qodobka 10aad ee Dastuurka KMG JFS.

2. In la dejiyo waajibaad sharci oo cad si ay dowladda iyo hay’adaha kala duwan kuhoggaamiyaan daryeelka iyo taakulayntabarakacayaasha gudaha dalka.

3. In la abuuro nidaam waara oo sharci iyo siyaasadeed si loo yareeyo barakaca soonoqnoqda, loona hormariyo xalal waara.

4. In la waafajiyo siyaasadda gudaha iyo sharciga Soomaaliya heshiisyada caalamigaah, gaar ahaan: Heshiiska Kambaala (Kampala Convention 2012) ee Midowga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid ahayd saxiixayaashiisa.

Sharcigaan oo ka kooban 12 cutub iyo 31 qodob ayaa waxuu ka hadlayaa; Masuuliyadda Ilaalinta iyo Taakulaynta Barakacayaasha, Waajibaadka & dhisidda Guddi Farsamo ee howlaha Barakacayaasha, Baaxadda Ilaalinta & Taakulaynta Barakacayaasha, Tallaabooyinka Ilaalinta Xilliga Barakacayaasha, wacyigelinta iyo Xalka waara ee Barakacayaasha.