Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada WQBS

Muqdisho 30 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo.

Ugu horreyn Guddoomiye Aadan iyo Wafdigiisa ayaa Wasiir Cali Xoosh uga mahadceliyay doorkiisa ku aaddanaa dhamaeystirka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, tayeynta Hay’adaha Dowlad Goboleedkaasi, baahinta federaalka iyo guud ahaan aeegyada iyo howlaha ay waddo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ee ku aaddan horumarinta iyo arrimo kale.

Wasiir Cali Xoosh ayaa dhankiisa guddoonka Golaha Wakiillada Waqooyi Bari kula dardaarmay, dardargalinta shuruucda, guud ahaan xoojinta sarreynta sharciga iyo hirgelinta maamul daboola baahiyada dadka deegaanka.