Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Sare Aqoonsiga Iyo Diwaangalinta Qaranka

Muqdisho 30 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyay Kulan looga arrinsaday arrimaha Aqoonsiga Iyo Diiwaangalinta dadweynaha.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Maareeyaha Hay’adda Aqoonisga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle iyo Masuuliyiin kale ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta diiwangelinta dadweynaha ee arrimaha Aqoonsiga & Diwaangalinta Qaranka ka socota Gobolka Banaadir, sugidda amiga ee xilliga diiwaangelinta, hufnaanta adeegyada dadweynaha, ahmiyadda bedqabka xogaha iyo arrimo kale.

Hey’adda NIRA ayaa si habsami leh diiwaangelinta dadweynaha uga wada degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobollada dalka taasi oo muhiim ka dhigeysa iskaashiga hey’adaha kala duwan, wadashaqeynta joogtada ah iyo sidoo kale iskuxirka adeegyada.