Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Xasilinta

Muqdisho 28 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray xoojinta baahinta iyo xiriirka dedaallada wadajirka ah ee Arrimaha Xasilinta iyo mideynta farriimaha la dagaallanka khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo hortabinnada iyo baahiyaha deegaanka laga horeeyay Khawaarijta.

Xubnaha kala duwan ee guddiga ayaa ka warbixyey howlaha ay Xasillnta ka qabtaan Wasaarada iyo Hey’adaha ay ka socdaan, iyada oo goobta lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo taabanaya Xasillinta iyo sidii loogu heli lahaa maalgelinta howlaha.

Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo la hadlay guddiga ayaa bogaadiyey howlaha ay Xasillinta ka hayaan Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dowladda, isagoo faray dardargelinta arrimaha xiriirka Xasilinta. Mudane Xoosh ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay farriimaha la xiriira xoreynta iyo dhiirigelinta dedaallada sookabashada iyo xasillinta ka socota deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta, waxaa uuna xubnaha guddiga Xiriirka ee Arrimaha Xasillinta kula dardaarmay joogteyta howlaha.

Guddigan oo la aasaasay January 2024-kii ayaa ku guuleystay mideynta farriimaha dowladda ee dagaalka lagula jiro Khawaarinta iyo guud ahaan baahinta sharciyadda dowladda iyada oo warbixinno laga soo sameeyey magaalooyinka la xoreeyey, shacabka ay ka hadleen isbadallada wanaagsan ee xorreynta horseedday iyo jacaylka ay u qabaan dowladnimada.