Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Tababarka Maareynta Deeqaha

Muqdisho 06 Sep 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa qabatay tababar la xiriira habka maamul-wanaagga iyo maareynta deeqa.

Tababarkaan oo uu shir guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Cayadruus Macallin Xasan ayaa waxaa warbixinno kajeediyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Jamaal Yuusuf Xasan, Lataliyaha Guud ee Wasaaradda Idil Cabdi, isuduwaha Dowladaha Hoose Cabdiraxmaan Axmed Faarax iyada oo xoogga lagu saaray sida ugu wanaagsan loo maamul deeqaha iyo sida loogu duwayo hannaanka ugu haboon oo bulshada looga faa’ideyn karo.