Wasiir Saadaad Oo Kulan La Qaatay Agaasinka Xalka Waara

Muqdisho 03 Sep 2025; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Xarunta Qaran ee Horumarinta reer Miyiga iyo Xalka Waara Marwo Sahra Cabdi iyo Agaasime Kuxigeenka mudane Dr Cabdullahi Zaahid.

Kulanka ayaa daarnaa dardargelinta howlaha xarunta iyaga oo ka warbixyey shaqooyinka iyo howlaha ay wado xarunta qaran ee xalka waara iyo horumarinta reer miyiga.

Mudane Caliyow ayaa adkeeyey hirgelinta howlaha hortabinta leh oo wax badan ka taraaya nolasha dadka reer miyiga ah iyo barakacayaasha.