Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Haweenka Waqooyi Bari

Laascaanood 01 Sep 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa qaabilay Gabdhaha Qurbajoogta ah ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo bogaadin iyo mahadcelin ugu yimid.

Gabdhaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee ka qaybgalay kulanka ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh hoggaaminta hannaanka dhismaha iyo dhameystirka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa uga mahadceliyay Gabdhaha Qurbajoogta Waqooyi Bari Soomaaliya sida ay qeyb uga yihiin Dowl dhiska, nabadeynta iyo horumarinta arrimaha Bulshada.