Wasiir Cali Xoosh Oo Kulamo La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Beelaha Daga DWQBS

Laascaanood 05 Aug 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Laascaanood qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulamadaan ayaa looga arrinsaday howlaha la xiriira hannaanka geeddi socodka lagu dhisayo dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Wadajirka Bulshada iyo Ilaalinta Midnimada iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cali Xoosh oo socdaal shaqo kujooga Sool ayaa qeybaha bulshada la leh kulamo kala duwan iyada oo lagu gudajiro dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya.