Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Hoggaanka Dhaqanka Waqooyi Bari Soomaaliya

Laascaanood 05 Aug 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan Wadatashi ah la yeeshay Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-seed oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka iyo Isimmada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga arrinsaday arrimaha la xiriira geeddi socodka hannaanka dhismaha Waqooyi Bari Soomaaliya, Wadajirka Bulshada iyo Ilaalinta Midnimada.