Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Diwaangalinta Agabka Dad-dhigidda

Laascaanood 04 Aug 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Laascaanood uga qaybgalay Munaasabadda Wareejinta Agabka Diwaangalinta Adeegyada Dad-dhigidda Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.

Munasabadda oo ah mid Agaasinka Guud ee Adeegyadda Dad-dhigiddu ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ku wareejinayay qalab casri ah ayaa loogu talagalay diiwaangelinta dadka, si loo dardargeliyo helitaanka diiwaangwlinta xaaladaha madaniga sida; Dhalashada, Guurka iyo wixii la mid ah oo danabeysan, dalka oo dhan mid ah, isla markaana hal mar ah.

Munaasabadda waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamukaas Mudane Cabdi Sahal Jaamac, Duqa magaalada Laascaanood Mudane Cabdaraxiin Cali Ismaaciil, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Isbitaallada gaarka loo leeyahay ee Laascaanood.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS mudane Cali Xoosh oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda adeegyada dad-dhigidda iyo dedaallada ay galisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, intaasi ka dib Wasiirka ayaa guddoonsiiiyay Duqa Laascaanood Agabka Diwaangalinta iyadoo lagu sii wareejiyay Isbitaallada Gaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guud.