- August 2, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, SSC khatuma, Wararka
No Comments

Laascaanood Agoosto 2, 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulamo Wadatashi ah la qaatay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka qaad ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega SSC-Khaatumo.
Kulamdaan ayaa diiradda lagu saaray dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, ilaalinta Wadajirka iyo Midnimada bulshada iyo arrimo kale.