Wasiir Ashkir Oo Qaabilay Masuuliyiin Ka Socda P4P

Muqdisho 30, Jul 2025; Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir ayaa la kulmay mas’uliyiin ka socotay hey’adda “Principles for Peace Foundation”, taasi oo ah hey’ad Soomaaliya ka taageerta arrimaha Dib u heshiisiinta iyo nabad-dhiska.

Kulanka arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa; Kadawadashaqeynta Hirgelinta Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran, iyo dhiirigelinta isdhexgalka bulshada iyo nabad qeyb laga wada yahay.

Mudane wasiir Ashir ayaa adkeeyey sida Waaaaradda uga go’antahay howlaha nabad-dhiska iyo horumarinta bulshada.