- July 28, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 28 Jul 2025; Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Abdihakim Ashkir ayaa la kulmay Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka Adduunka(IOM) oo ay wehliyaan Agaasimaha Hey’adda ee Bariga iyo Geeska Afrika iyo saraakiil kale oo sare sida; Wakiilka IOM ee Soomaaliya iyo Kuxigeenkiisa.
Arrimaha labada dhinac ay adkeeyeen waxaa ugu muhiimsanaa; Ka wadashaqeynta iyo iskudubbaridka howlaha hortabinta leh sida; dedaallada Xasillinta, Dad-dhigista, xalka waara ee Barakacayaasha iyo arrimo kale.