Wasiir Cali Xoosh Oo Kulamo La Qaatay Beelaha Daga SSC-Khaatumo

Laascaanood 26 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Laascaanood ayaa kulamo kala duwan la qaatay wax-garadka qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC-Khaatumo.

Kulamadaan ayaa looga arrinsaday arrimaha dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC, Wadajirka Bulshada iyo Ilaalinta Midnimada.