Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo

Laascaanood 22 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa xarunta Wasaaradda kusoo dhaweeyay Wasiir Cali (Xoosh), isagoo uga warbixiyay waxqabadka iyo dedaallada joogtada ah oo ay waddo SSC-Khaatumo.

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo, Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa bogaadiyay shaqada ay hayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo isagoo kula dardaarmay dardargalinta howlaha baaxadda leh oo ay waddo Wasaaradda.